Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle oo maanta ku wajahan Beledweyne iyo Amaanka oo la adkeeyay

0

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaasi ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa socdaalkiisa Beledweyne ee maanta waxaa ku wehlinaya Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Maamulka Hirshabeelle,waxaana wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ay sheegayaan in Amaanka guud ee magaaladaasi aad loo adkeeyay.

Xubno ka tirsan Xildhibaanada Hirshabeelle oo kana mid ah wafdiga Madaxweynaha ku wehlin doono Safarka Beledweyne ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ujeedada socdaalkooda uu salka ku haayo kormeer lagu sameeyo deegaanka kulamana lala qaato dhaqanka gobalka oo qaarkood ay dhaliilsan yihiin qaabkii loo maray Xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Xafladda Caleema saarka Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27-ka Bishaan sida ay shaaciyeen Gudiga doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle maalintii ay dhacday doorashadaasi.