Madaxweynaha Hirshabelle oo xil ka qaadistii u horeysay ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan (Akhri Wareegto)

0

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in Madaxweynaha dhowaan la doortay Maxamed Cabdi Waare uu xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa markale loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo uu hore xilkan ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble balse sagaal bilood kadib xilka ka qaaday.

Magacaabista Cali Jeyte ayaa noqonaysa mid la mid ah wadadii uu hore u maray Madaxweynihii kalsoonida lagala noqday Cali Cabdulaahi Cosoble oo wareegtadii ugu horeysay ku magacaabay Cali Jeyte Cismaan xilkana ugaga qaaday Yuusuf Axmed Hagar 26kii bishii Oktoobar 2016,wareegtada ugu horeysa oo uu soo saaray Madaxweyne Waare ayaa noqotay magacaabista Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim ayaa  si weyn ugu taageeray Cali Cabdulaahi Cosoble diidmadii uu diiday in xilka Madaxweyne laga qaaday waxana uu Cumar Aadan taageeray maamul dhowaan loogaga dhowaaqay magaalada Beledweyne oo ahaa Dowlad goboleedka Hiiranland.

Hase yeeshee Guddoomiye Cumar Aadan Ibraahim ayaa taageeray doorashadii Madaxweyne Waare uu ku guuleystay dhowaan kuna noqday Madaxweynihii labaad ee soo mara maamulka ugu da’ada yar maamul goboleedyada dalka ee Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqasho ku tago magaalada Beledweyne si uu u helo taageerada shacabka ku nool gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.