MAQAAL:- Cabdikariin Xuseen Guuleedoow Adiguna Ma Nooleed?

0

Waxaa caawa mar aan indha indheenayay Warbaahinta Soomaalida ayaa waxaa iiga soo dhex muuqday, qoraal uu qoray Madaxweynihii kal hore fashilmay ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Qoraalkan uu qoray Cabdikariin Xussen Guuleed ayaa waxaa uu uga hadlayay qoraalkiisan arrintan waayahan leysla dhexmarayo ee ku saabsan ninkan la leeyahay dawladda Soomaaliya ayaa u dhiibtay dawladda Itoobiya ee magaciisana lagu sheegay Qalbi Dhagax.

Cabdikariin Xuseen Guuleed intii uu hayay xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya imisa qof oo Soomaali ah ayaa loo dhiibay Itoobiya, imisa qof oo Soomaali ah ayaa Ciidamada Itoobiya ku dileen Gobolada dalka, sidoo kalena Cabdikariin Xuseen Guuleed intuu ahaa Madaxweynaha Galmudug imisa qof oo Soomaali ah ayaa Ciidamada Itoobiya ku dileen deegaanada Galmudug, Imisa qof oo Soomaali ah ayaa ciidamada Itoobiya ka kaxeysteen deegaanada Galmudug, miyuusan xishoonayse, mise waxa uu u maleeyay haddii xilka laga qaaday in dadka Soomaaliyeed iyo dadka reer Galmudugba ay hilmaameen taariikhda madoow ee uu dalka ka tagay?

Raggii hore markay ceebi raacdo, waa xishoon jireen, waana ka waji dadban jireen bulshada, balse hadda waxaad moodaa in Soomaalida joogtaa ay adhaqan doorsoomeen, waxna ka xishoonayn.

Gabagabadi, waxaan Cabdikariin Xuseen Guuleed kula talinayaa weliba anigoo ulla hadlaya si Bi’aamanimo ah ileen ma oran karo Soomaalinimo’e, fadlan naga waji dadbo oo xishood ceeb baa hagoogan tahay’e.

W/Q. Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed