Maqaal:- Xubnihii Kooxda Damujadiid miyaa maanta Soomaali noqday oo Soomaali u sheegaya Soomaalinimo?

0

Waxaa la yaab ah oo dadka intiisa badan isweydiinayaan, kadib markii ay arkeen xubnihii ugu fir fircoonaa ururkii DAMUJADIID ee lagala wareegay talada dalka in ay maanta leeyihiin ama ku hadaaqayaan Muwaadin Soomaaliyeed ayaa la xiray oo Itoobiya loo dhiibay.

Waxaa cad oo muuqata in Baroorta Damujadiid ay orgiga ka weyn tahay, dawladda Soomaaliya ee maanta jidhana duulaan qaawan ay kusoo qaadeen kuwii shalay ummada Soomaaliyeed u diiday Nabadda iyo Nolosha, Jiho iyo Jaanba.

Dadka intiisa badan ayaa sidoo kale waxa ay isweydiinayaan ragga ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaan Mahad, JenaraalTuuryare, Cabdiramaan Cabdi Shakuur oo hadda ku biiray, Sayid Cali Cabdulle iyo kuwo kale oo badan Soomaalinimada ay maanta ku hadaaqayaan iyagoo dhamaantood la wada ogsoon yahay Taariikhda ay ku dhex leeyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xaqiiqdi Kooxda Damujadiid iyo Qaadimiintooda ayaa waxaa muuqata inay isticmaalayaan qidad walba oo ay dib ugu soo laaban karaan si ay ula wareegaan Talada dalka Soomaaliya, maantana waxa ay marayaan in ay yiraahdaan Muwaadin Soomaaliyeed ayaa loo dhiibay Itoobiya, waa su’aale goormaa Damujadiid dadka Soomaaliyeed u nixi jireen? Goormaa Damujadiid garteen inay jirto Soomaali iyo Soomaalinimo? Damujadiidse waxa ay hilmaansan yihiin in ay talada dalka kusoo laabtaan lamid tahay calaacalaha oo timo kasoo baxeen.

Gabagabadi Madaxda Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa moodaa inay si aad ah ugu turayaan dalka iyo dadka, balse waxaa xaqiiqo ah haddii aysan madaxda dalka si dhab ah ama sida loola dagaalamayo aysan ula dagaalamin kooxda Damujadiid iyo haraadigooda in dalka iyo dadka Soomaaliya ay qatar ku suga yihiin, waxaan aad u dhiirigalinayaa in dalka laga sifeeyo haraadiga DAMUJADIID.

W/Q:- Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed