MAQAAL+DAAWO:- Toloow Saaka Maxay Ku Hadlayaan Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Mahad Maxamed Salaad?

0

Waxaan maqli jiray reer Xamarka oo ku maah maaha Indho Adagaa Il Malaay Miyuu Cunay, waxaan ulla jeedaa dhawaanahan waxaa heystay Baraha bulshada iyo Idaacadaha dalka gudihiisa qoraalada iyo wareysiyada Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirul Dawlihii hore ee Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad oo u doodayay Mudane Qalbi Dhagax oo loo dhiibay dawladda Itoobiya.

Markaan arkay qoraaladooda iyo wareysiyada codadkooda ayaa anigoo kaligey ah isweeydiiyay (Hasha Maan Keyga Gaday Ma Masaar Ayay Laqday) intaas kumaan ekaanee waxaan sidoo kale iri Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Mahad Maxamed Salaad Soomaali miyey maanta u sheegayaan Soomaalino? anigoo durbaba famay ujeedkooda inuu yahay Baroorta Orgiga Ka Weyn.

Xalay mar aan booqday baraha bulshada Soomaaliyeed ku kulmaan ayaan waxaa daawada Wareysi Muuqaal ah oo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar uu ku yiri “Heshiiskii aan horey u kala saxiixanay, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir Mahad Maxamed Salaad iyo Wasiir Maxamed Mursal Geelle ayaa sabab u ah in Qalbi Dhagax nalagu soo wareejiyo.

Hoos Ka Daawo Muqaalka Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar.

 

Markaan daawaday Muqaalkaas ayaa durba waxaan maskaxdeyda kusoo dhacay Alley lahe inaad taqaan Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Mahad Maxamed Salaad inay ka dheer tahay Soomaalino iyo Wadaniyad, qayladoodi Baraha bulshada iyo Idaacadahana inay ahayd Baroorta Orgiga Ka Weyn.

Dhacdadan ayaan waxaan ku yilmaami karaa oo kaliya in macnaheedu yahay ( (If you don’t like how the table is set, turn over the table), taasoo ah guul.

It only takes ten seconds to crush a man’s ambitions.

Gabagabadi Toloow saaka maxay ku hadlayaan Cadbikariin Xuseen Guuleed iyo Mahad Salaad, waa kuwii shalay idaacadaha uga booyayay Mudane Qalbi Dhagax’e? waxaan ku talinayaa in kuwa kale ee dhiman ee iyaguna hadda ka qayliya Idaacadaha ee horey Itoobiya heshiisyada ugu saxiixay in dhamaantood Magacyadooda laba laba loo soo bandhigo. DHUBUQ DHUBUQ HORE, DHABANA HAYS DAMBEY LEEDAHAY!.

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Nairobi, Kenya