Mareykanka oo Qaxooti dib u dejin u samaynaya

0

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay doonayso in ay dib u dejin u sameyso Qaxootiga u badan Afrikaanka ee ku sugan dalka Australia.

Koox qaxooti ah oo ku jira goobo ay dadka ku hayso dawladda Australia ayaa noqday qaybii koobaad ee Maraykanku aqbalo iyadoo la hirgalinayo heshiis ay labada dal kala saxiixdeen.

Dowladda Maraykanka waxa ay sheegtay in dadkaasi ay la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in aysan haysanin waxybaabo muhiim ah oo ay kunoolaadaan Qaxootigaasi.

Dad lagu qiyaasay 50 ruux oo ku kala jira xarrumaha Papua New Guinea iyo Nauru ayaa la gayn doonaa dalka Maraykanka, dawladda Australia ayaa Talaadadii xaqiijisay arrintaas.

Talaabaddaan ayaa horay waxaa u qaaday Madaxweynihii hore dalka Mareykanka Barak Obama ,islamarkaana Saxiixay heshiiska dadkaasi lagu qaadayo.

Australia ayaa diiday in ay aqbasho dadka sida sharci darrada ah doomaha ugu yimaadda, siyaasaddaas ayaana muran dhalisay.