Shaqaalo ka tirsan Garoonka Aadan Cadde oo ku dhintay Qarax Gaarigiisa loogu xiray

0

Waxaa goordhow Qarax uu ka dhacay Nawaaxiga ee Isgosyka Xaafadda Maana-boolyo dhinaca degmada Boondheere ee gobalka Banaadir waxaana ku dhintay Alle ha u naxariistee mid ka mid ah Shaqaalaha Garoonka magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in Qarax uu ahaa mid Gaarigiisa loogu xiray Sarkaal magaciisa lgu soo koobay Abuu-shiine lana sheegay in uu ka tirsanaa Shaqaalaha Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”

Sidoo kale Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Ilaa 2 ruux oo shacab waxaana la sheegay in mid ka mid ah Dhaawiciisa uu halis yahay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka dhintay oo magaciisa lgu soo koobay Abuu-shiine ayaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray kadibna uu ku qarxay isagoo ka soo baxay gurigiisa.

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana la sheegay in ay halkaasi u xeran tahay oo laga joojiyay Gaadiidka iyo dadka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu xasilinayo amniga caasimada Muqdisho.