TOP+DHAGEYSO: Amniga Boosaaso oo la adkeeyay iyo ciidamo Boolis oo la geeyay

0

Wasiirka amniga maamulka Puntland Axmed C/laahi Yuusuf Dowlad ayaa ka hadlay Ciidamo cusub oo Boolis ah, kuwaasi oo dhowaan la geeyay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wuxuu sheegay ujeedka Ciidamada loo geeyay magaalada Boosaaso in uu yahay sidii ay u adkeyn lahaayeen ammaanka guud ee magaalada Boosaaso, oo maalmahan dambe ay ka dhacayeen falal ka baxsan amniga.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ay rajeynayaan Ciidamadan in ay gutaan waajibaadkooda shaqo, una adeegaan shacabka, ayna ka hortagaan ragga isku daya in ay amni daro ay ka abuuraan magaalada Boosaaso.

Axmed C/laahi Yuusuf Dowlad Wasiirka amniga maamulka Puntland  aya hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay amniga gobolada Bari iyo Karkaar, oo uu la yeeshay saraakiisha amniga maamulkaasi.