Wafdi ka socda QM oo Qorshe cusub u tagay magaalada Dhuusa mareeb

0

Wafdi ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Unicef iyo WFP ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Wafdiagaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa Mareeb ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca oo Maamula magaaladaasi.

Soo dhaweyn kadib Wafdiga ayaa waxa ay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Gobolada Dhexe  ee Ahlusuna kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Maamulkas,iyaga oo ka wada hadlin sidii loo dardargelin lahaa Gurmadka abaaraha ee deegaanada Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Xubnaha ka kala socday Hay’adda Unicef iyo WFB ayaa waxa ay dhankooda balan qaaden in dhawaan ay halkaasi geyn doonaan raashin loogu talo galay 20kun oo qoys si loo yareeyo abaarta ka jirta deegaanada Maamulkaas.