WAR CUSUB+DHAGEYSO: Al-Shabaab oo shaaciyay iney dilayaan ninkii u gefay Nabi Maxamed (NNKH)

0

Ururka Xiriirka la leh Al-Qaa’ida ee Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen inuu mudan yahay ninka la sheegay inuu u gefay Nabigeena (NNKH) in la dilo oo nafta la dhaafiyo.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobolka Mudug Sheekh C/qaadir Abuu Cadnaan oo la hadlay Warbaahinta Andulus ee ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in waxa kaliya ee Ninkaasi mudanyahay ay tahay dil iyo in nafta laga gooyo “adeer Xukunka Ninkaas wuxuu Kitaabka alle ku xukumay dil,insha’allaah Ninkaas iyo madaxiisa iskuma oollayaan, Mujaahidiinta iyo Muslimiinta Ninkaas waxaa uga yaal in ay madaxiisa kala gooyaan” ayuu yiri Abuu Cadnaan.

Guddoomiye Cadaan Ayaa shacabka Gobolka Mudug ugu baaqay iney Alle ugu dhawaadaan dilka Ninka Aflagaadeeyay Nabi Maxamed (NNKH),islamarkaana ugu daba galaan meel waliba uu cagta saaro kuna dilaan.

Sheekh Abuu Cadnaan ayaa sheegay in falkani yahay markii ugu horraysay oo uu Soomaaliya ka dhaco “arrintan waa xaajo ku ugub ah Soomaaliya, waa wax ku cusub wadanka Soomaaliya” Abuu Cadnaan.

Wuxuu sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay tallaab ka qaadi doonto Ninkan gaaloobay ee Aflagaadeeyay Nabiga Maqaamka sare leh ee Muxamed SCW “Tan Muslimiintu Jawab adag ayay ka bixi doonaan gaar ahaan Mujaahidiinta” ayuu yiri Guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Mudug.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in hal meel looga soo wada jeesto ninka caayay suubanaheena,islamarkaana Maamulka iyo Dowladdaba lagala shaqeeyo sidii ninkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa.