WAR DEG DEG AH:- Haweenay iska soo tuurtay Dabaq ku yaallo Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Baar Ubax ee Degmada Hawlwadaag, Dhisme Dabaq Hotel ah ayaa waxaa iska soo tuurtay Haweenay.

Haweenayda Dabaqa iska soo tuurtay ayaa lagu soo waramayaa in xalay halkaasi ay ku hooyatay, islamarkaana ay la joogtay Saygeeda, sida ay inoo sheegeen dad ka tirsan Hotelka amuurtaan ay ka dhacday.

Hotelka Nasiye oo gabadhan ay ku jirtay ayaa mar kaliya waxaa la sheegay daaqada qolkii ay ku jirtay Gabadha inay iska soo tuurtay, kadibna dhulka ay ku dhacday.

Dadkii arkaayay ayaa ku soo xoomay gabadhan oo dhulka taalo, waxaana goobta laga qaaday, iyadoo Koomo ku jirta sida dadka ay inoo xaqiijiyeen.

Ciidamada Booliska ee ku sugan Laanta Salaama Xaafada Daalo oo durbadiiba meesha tagay ayaa waxa ay xireen Ninka qabay gabadha oo la sheegay xilliga ay isa soo tuureysay inuu ku maqnaa soo iibinta qado.

Dadkii Hotelka joogay ayaa garan la’ illaa hadda sababta gabadhaasi dabaqa ay isaga soo tuurtay, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya buuq arimo qoys inuu jiray oo sababay in gabadha ay isa soo tuurto.

Gabadha isa soo tuurtay oo weli Warbaahinta aysan helin magaceeda ayaa, iyadoo Koomo ku jirto waxaa laga qaaday goobtii, waxaana loo qaaday xarumaha caafimaadka.