DHAGEYSO+SAWIRRO : Faah faahin Wafdi Ka socda Qaramada Midoobay oo Gaaray Dhuusamareeb – Galgaduud

0

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxaa Maanta  gaaray isl markaana lagu soo dhawaayay wafdi  ka kala socda Hay’addaha Unicef iyo WFP.

Wafdiagaan ayaa waxaa Garobka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa Mareeb ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca oo Maamula magaaladaasi.

Soo dhaweyn kadib Wafdiga ayaa waxa ay Xarunta Madaxtooyada Maamulka Gobolada Dhexe  ee Ahlusuna kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Maamulkas,iyaga oo ka wada hadlin sidii loo dardargelin lahaa Gurmadka abaaraha ee deegaanada Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Xubnaha ka kala socday Hay’adda Unicef iyo WFB ayaa waxa ay dhankooda balan qaaden in dhawaan ay halkaasi geyn doonaan raashin loogu talo galay 20kun oo qoys si loo yareeyo abaarta ka jirta deegaanada Maamulkaas.

Hoos Ka Daawo Sawirrada