Wiil Soomaali Arday ah oo lagu dilay Mareynkanka

0

Maxamed C/Qaadir oo ahaa 15 Jir Soomaali ah ayaa lagu dilay Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka kaddib markii la toogtay isaga oo saaran Gaari uu kaga soo laabtay Iskuul uu dhiganayay.

Ehelka Maxamed ayaa Booliska u sheegay in uu ka soo laabtay Iskuulka Licking Heights High School ee Magaalada Columbus oo uu dhiganayay kaddibna uu gaari u raacay Magaalada hoose halkaas oo uu kala kulmay toogasho.

saraakiisha Booliska ayaa sheegay in aysan caddeyn karin Maxamed toogasho ku dhintay iyo uu shil ku dhintay laakiin ay baaritaan socdaan,dad ka agdhawaa goobta xilliga weerarka ayaa sheegay in Dad Gaari watay ay Rasaas ku fureen Gaariga uu la socday maxamed sidaasna ku dhintay.

Kooxda Gurmadka ee Magaalada Columbus,ayaa Meydka Maxamed ka qaaday goobta iyaga oo geeyay Isbitaal,waxaana kaddib lagu aasay Masaajid ku yaalla Magaalada Columbus,halkaas oo aaskiisa ay uga qeybgaleen dadka degaanka.

Andre Norman; oo ah Baadari ka tirsan Kaniisadda Eastpointe Christian Church, ayaa sheegay in Maxamed uu ahaa wiil dabeecad wanaagsan oo kubadda Koloyga ciyaari jiray.

Dadka Magaalada Columbus. ayaa Booliska ku eedeeyay in ay iska indha tirayaan kiisaska dilalka ah oo sanadkan kaliya sii maraya 95 kiis,Ehelka Maxamed ayaa Acount furay,kaas oo ay ku doonayaan in lagu tabarucu lacagta ay ku bixinayaan duugtiisa.