Xog cusub oo laga helay Ciidamo hubeysan oo la wareegay Madaxtooyada Galmudug

0

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug xalay ay la wareegeen xarunta madaxtooyada ee maamulkaasi,kuwaasi oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Galmudug ayaa mar qura gudaha u galay xarunta Madaxtooyada Galmudug,islamarkaana ku amray dadka howlaha wada iney shaqada joojiyaan,islamarkaana gacan ku heynta madaxtooyada ay la wareegeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo aan laxiriirnay ayaa inoo sheegay iney ku mashquulsan yihiin xalinta ciidamada gadooday ee ka cabanaya mushaar la’aanta.

Shacabka Cadaado ayaa si aad ah u hadal Arintaan,waxaana saakay magaalada laga dareemayaa xiisada ciidamada gadooday,waxaana la soo sheegayaa in ciidamo badan ay magaalada soo galeen.

Ciidamada Galmudug ayaa ka cabanaya inaan la siin xuquuqdii ay uga baahnaayeen Maamulka Galmudug oo ay ugu horeyso mushaarka,taasina ay sababtay iney xarunta madaxtooyada ay la wareegaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo Soomaaliyeed ayaa gadood sameeyaan iyagoo raadinaya xuquudooda.