XOG : Gaariga Madaxweynaha Khaatumo oo Buuhoodle lagu dhacay.

0

Dhacdadaani ayaa timid kamid markii uu muran soo kala dhex galay Maleeshiyaad Buuhoodle kasoo jeeda isla markaana uu sameystay Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Maamulka Khaatumo.

Maleeshiyaadkii ayaa mushaar la’aan soo wajahday waxayna u tageen Cali Khaliif Galeyr oo ay ka dalbadeen in uu siiyo lacagaha Mushaarkooda ah oo uu horay ugu ballan qaaday.

Cali Khaliif iyo Maleeshiyaadkii ayaa isku fahmi waayey muddo ballameed uu uqabtay, waxayna sameeyeen Maleeshiyaadkii weerar ay ku qaadeen Hoteelka Cabdi Gureey Placa oo ku yaala Buuhoodle uuna degan Yahay Madaxweynaha Khaatumo.

Is rasaaseen kooban oo Hoteelka ka dhacday Maleeshiyaadka waxaa u suura gashay in ay wataan Gaariga gaarka ah ee Madaxweynaha Khaatumo, waxayna Gaariga ku dhufteen Tiro Rasaas ah oo waxyeelo gaarsiisay.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Gaariga Madaxweynaha Khaatumo ay maleeshiyaadkii u kaxeesteen Duleedka Deegaankaasi, waxaana socda Waan-waan lagu doonayo in Maleeshiyaadkaasi dib loogu soo celiyo Gaarigaasi oo nuuciisu yahay Toyoto VX Landcruiser Soomaalidane ay u taqaan (Layla Calaawi).

Ilo Wareedyada ayaa intaa kusii daray in Maleeshiyaadkaan uu u qortay Cali Khaliif Galeyr in ay sugaan amaankiisa, maadaama uu dareemayo saan-saan la xiriirta talaabooyin ka dhan ah Go’aankii uu ugu biiray Maamulka Soomaaliland ayna ku kala saxiixdeen Heshiisyo dhowr ah.