XOG RASMI AH:- Shariif Xasan oo ka shaqeynaya sidii Abuu Mansuur loogu gacan gelin lahaa Itoobiya

0

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo sheegay in khilaaf xoogan iminka uu soo kala dhexgalay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa hadda ay ka dhex tafatay,waxayna arintaan salka ku heysaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ula macaamileyso Hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,balse hadda shaaciyay inuu ka baxay kuna jira gacanta Dowladda Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ka biyo diidan iney awood dheer ah Dowladda ay siiso Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur,islamarkaana loola dhaqmo maxbuus gacanta lagu soo dhigay,isagoo Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay inuu ka gaabiyay la xisaabtamo Abuu Mansuur maadama uu danbiyo badan dalkaan uu ka galay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay  shaacisay iney wada hadal kula jirto Sheikh Mukhtaar Roobow,kuwaasi oo hadda maraya meel wanaagsan.

Sheikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa dhawaan safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Baydhabo halkaasi oo uu kula soo kulmay Waxgaradka Gobolada Baay iyo Bakool,isagoo kala soo hadlay Arimo ay ka mid yihiin sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab iyo xaaladiisa uu hadda ku sugan yahay.

Shariif Xasan ayaa ka diiday inuu Mukhtaar Roobow la kulmo markii uu Baydhabo gaaray,waxaana ilo xog ogaal ah sheegayaan in Shariif Xasan uu aad u doonayo in Abuu Mansuur loo gacan geliyo Dowladda Itoobiya,taasi oo Dowladda Soomaaliya ay diidan tahay.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Abuu Mansuur uga cabsanaya xilkiisa,maadama uu yahay Hogaamiye saameyn leh oo laga yaabo iney Dowlada si walba kaga faa’ideysato.

Abuu Mansuur ayaa horay u shaaciyay inuu ka baxay Al-Shabaab 6-sano ka hor,markaasi oo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Hogaamiyihii Al-Shabaab ee geeriyooday Axmed Godane.