DAAWO SAWIRADA:- Yoweri Museveni iyo Boris Johnson oo ka wada hadlay Dagaalka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa kulan looga hadlayay xaaladda wadamadda Somalia, South sudan iyo Burundi waxa uu la yeeshay Xoghayaha arrimaha dibadda ee Boqortooyadda Ingiriiska Boris Johnson.

Mr. Museveni ayaa u sheegay Boris in ay jiraan dadaal aad u culus oo lagu doonayo in looga hortago urururka Al-Shabaab ee Soomaaliya, waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo AMISOM iyada oo loo marayo qalab iyo shaqaale dheeraad ah si loo dhammeeyo shaqada ay ciidamadda AMISOM ka hayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu Madaxweyne Museveni ka codsaday xoghayaha arrmaha dibadda ee Boqortooyadda Ingiriiska in ay kaalintooda ka qaataan Ingiriiska sidii Soomaaliya looga saari lahaa ururka Al-shabaab, islamarkaana ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaan lahaayeen nabad iyo xasilooni.

Labadaan mas’uul ayaa ku kulmay shirka 72-aad ee Golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay ee ka socda magaaladda New York ee dalka Mareykanka.

Dowladda Uganda waxa ay aheyd dalkii ugu horeeyay ee ciidamo nabad ilaalin ah u soo dira dalka Soomaaliya sanadkii 2007-dii, iyagoona ciidamadooda ay qeyb ka yihiin Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya.

Hoos ka Daawo Sawirada:-