Iyadoo maanta lagu waday in Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shirkii u dhexeeyay Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa wararka aan heleyno waxa ay ku warramayaan in uu baaqday shirkaasi.
Shirkan ayaa waxaa horay u iclaamiyay madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.
Lama oga sababta uu u baaqday shirkaas walow ay soo ifbaxayeen maamul Goboleedyada qaar oo qaadacay ka qeyb galka shirkaasi.
Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood oo la sheegay in qadka Telefoonka ay ku wada hadleen ayaa sida aan wararka ku heleyno waxa ay sheegayaan in ay isla meel dhigeen in bilowga Toddobaadka soo socda loo weeciyay.
Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhankeeda la sheegay in ay shaki badan ka muujineyso shirka ka furmaya Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey oo dhankiisa ka hadlay mowqifka kaga aadan shirkaas ayaa waxa uu sheegay in aan shirkaas looga hadleynin Masiirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana ka Puntland ahaan aysan ka qeyb gali doonin.