Waxaa si rasmi ah Magalada Gaarisa looga furay Xarunta lagu baaro Tacadiyada ay galaan Ciidamada Booliska dalka Kenya ee loo yaqaan IPOA oo maalmihii la soo dhaafay qaban qaabadeeda ka socotay Magalada Gaarisa.
Munasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Magalada Gaarisa Saraakiil ka socotay laamaha Amniga dalka Kenya ee ka socda Gobolka Waqooyi Bari iyo Saraakiisha Hay’adda Madaxa Banaan ee IPOA.
Isku Duwaha Dhanka Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Amb Mohamud Ali Saleh iyo caawiyaha Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari Omar Shorie.
Fatuma Ali Salman oo ka tirsan Hay’adda IPOA ayaa waxaa ay sheegtay in ay si wanaagsan ay xaruntan u hubin doonta Dacwadaha ay shacabka u soo gudbiyaan.
Dubbad Ali Amey waa Gudoomiyaha Suuq geynta Xoolaha nool ee Afar Toban Dowlad Goboleed oo Ku yaalla dalka Kenya oo xoola Dhaqatada Degto ayaa ugu baaqay in Ciidamada Millatariga dalka Kenya ay laga saaro Magaalada Gaarisa, maadama ay howlgallo Magaalada Ka sameeyaan sida Booliska oo kale.
Mid ka mid Dhalinyarada ka soo jeeda degmada Lagdera oo hoostagta ismaamulkan Gaarisa ayaa dhankiisa aad u soo dhaweeyay Talabaadan maanta lagu furay Xarunta Tacadiyada ay galaan Booliska dalka Kenya ee IPOA.
Talaabaadan maanta lagu furay Xarunta IPOA ayaa waxaa ay imaaneysaa iyadoo kufsi, jirdil lagu eedeeyay laamaha Amniga dalka Kenya ay Ka geysteen Marar badan Degaanada dhaca Gobolka Waqooyi Bari.