Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu markale sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aankii Dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka, oo ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga.
Kulan shalay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku yeesheen Baydhabo, kadib hadal uu warbaahinta siiyay Wasiirka Warfaafinta ayuu ku sheegay in ay ku celinayaan in ay taageersan yihiin xulufada Sacuudiga.
Wuxuu kaloo sheegay Wasiirka Warfaafinta Ugaas Xasan Cabdi Maxamed shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed in ay abaal u hayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga, maadaama ay mar walba caawiyaan.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay shirka Axada ka furmaya magaalada Kismaayo in ay ka qeyb geli doonaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.