Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Shiikh aadan oo ku sugan Magaaladda Kismaayo ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay kasoo qeyb galaan shirka bari ka furmaya Magaaladaas.
Shariif Xasan ayaa sheegay in shirkaas uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka islamarkaana loogu tashan doono ayaaha dalka, wuxuuna sidoo kale sheegay in Madaxda Maamul Goboleedyadda ay ka hadli dooonaan sidii guulo loogu gaari lahaa dagaalka lagu jiro Xarakada Al-shabaab.
Amaanka magaaladda Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaa Magaalada gudaheeda lagu arkayaa Ciidamada kala duwan ee maamulka jubba-land.
Shirka Magaaladda Kismaayo oo Jubba-land ay martigalinayso ayaa ah mid loogu hadlaayo khilaafka ka dhashay go’aankii laga qaatay Khilaafka Wadamada Khaliijka Carabta oo Maamul goboleedyadda iyo Dowladda Dhexe ku kala arakti duwan yihiin.