TOP DHAGEYSO : Ciidamo Cusub Oo Ku Biiray Howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya (Waa Dalkee ?)

0

Ciidamo cusub oo qeyb ka ah booliska howlgalka Nabad Ilaalin Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 39 askari.

Askartaasi ayaa ka kala socda dalalka kenya, Uganda. zambia, iyo Nigeria waxaana ay qeyb ka noqonayaan booliska AMISOM ee hore ugu howlgalayay Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliska ee AMISOM Brig General Anand Pillay ayaa xusay in ciidamada cusub ay si gaar ah ula shaqeyn doonaan ciidamada booliska Soomaaliya, iyagoo ka taageeraya dhinacyada sugida amniga iyo sharciga.

Waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada cusub ee ka socda Midowga Afrika in si gaar ah loo siin doono tababaro la xiriira shaqooyinka ay qabanayaan oo ay ka mid yihiin ka hortagista kufsiga, dhowrista xuquuqda caruuta, ban,aadinimada, dhowrista dhaqanka iyo xuquuqul insaanka.

Mr anand pillay taliyaha ciidamada booliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in waajibaadka saaran uu yahay sidii ay ciidamada booliska Soomaaliya ugu gacan siinlahaayeen hanashada amniga dalka.

Ciidamadaasi cusub ayuu taliyuhu sheegay in uu ka filayo door muuqdo in ay ku yeelan doonaan ciidamada booliska howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.