TOP DHAGEYSO+AKHRISO : Guddiga dib u eegista dastuurka ee Baarlamaanka oo ka horyimid Shirka Arrimaha Dastuurka & Cabdi qeybdiid oo weeraray

0

War-murtiyeed ay si Wadajir ah u soo saareen guddiyada kala ah; Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista Dastuurka iyo Guddiga dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Somalia ayay uga soo horjeesteen Shirka Wasaaradda Dastuurka ay Muqdisho ka fureeyso Axadda Berri ah oo ay bishu ku beegan tahay 08-10-2017.

Guddoomiyaha guddiga dib-u-eegista Baarlamaanka Somalia, Cabdi Xasan Cawaale [Qeybdiid] oo Bayaanka u Akhriyay Saxaafadda ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid caqabad iyo dhibaato ku ah geeddi-socodka dib u eegista dastuurka, wuxuuna uga digay maamul-gobolleedyada iyo ururrada Bulshada Rayidka ah inay ka qayb-galaan.

Sidoo kale, Maamul Gobolleedyada dalka ka jira ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia ayaa ku gacan-sayray inay ka qayb-galayaan shirka dib-u-eegista Dastuurka Somalia.

Dhinaca kale, Hadlakan ayaa imaanaya iyadoo Maamul-goboleedyada dalka ka jira ay qaadaceen maanta inay ka Qayb-galaan shirkan iyadoo khilaafka arrimaha dastuurka uu yahay mid ka dhex jira dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Somalia ayaa dhawaanahan wadday dadaallo ay ku doonayso in dib loogu eedo dastuurka dalka ee qabyada ah, kaasoo Xukuumaddii hore ay iyaduna dadaal badan u gasha sidii dib loogu eegi lahaa.

Haddaba DHAGEYSO: Bayaanka Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Somalia;

AKHRISO WARMURTYEEDKA :