Dowladda Kenya ayaa lacag gaareysa 100 Milyan oo shilinka Kenya dul dhigtay illaa 35 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaas oo ay sheegtay in ay weeraro ka fuliyeen gudaha dalkeeda.
Lacagtaasi ay dowlada Kenya ay sheegtay in abaal marin ahaan loo siin doono cidii soo sheegtay xog ku saabsan Raggaasi ka tirsan Al Shabaab.
Sarkaal ka tirsan waaxda la dagaalanka argagixisada ee dalka Kenya ayaa wargeyska the standard u sheegay in dagaalyahannadaasi ay muddo dheer baadi goobayaan, isagoo intaasi ku daray in qaarkood ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha dalka Kenya.
Raggaasi qaar kood ayey laamaha ammaanka ee Kenya ay sheegeen in ay ku lug lahaayeen weeraradii lagu qaaday suuqa Westgate Mall ee Magaalada Nairobi iyo kii lagu qaaday Jaamacadda Magaalada Garisa oo ay ku dhinteen Boqolaal ruux
Qaar ka mid ah sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in Jayshu ayman oo xiriir la leh Al Shabaab, kuna sugan gudaha dalkaasi in ay ka dambeeyeen weeraro dhowr ah oo ka dhacay magaalada embakatooni sanadkii 2014-kii.