Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay goordhawayd Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Cabdiwali Gaas waxaa ku wehlinayay xubno ka tirsan labadiisa gale oo Dawalada.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka qeybgalaya shirka ay yeelanayaan maamul Goboleedyada oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo Dhowaan.
Ka hor intiisan ka dhoofin garoonka diyaradaha Boosaso Madaxweynaha Puntland waxa uu ka hadlaya ahmiyada shirka ka furmaya kismaayo ay leeyihiin Maamulgobaleedayada dalka.