Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xaruta ganacsiga Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali uu iminka ku sugan yahay garoonka diryaaradaha magaaladaas si uu ugu dhoofo magaalada Kismaayo.
Cabdiweli Maxamed Cali ayaa magaalada Kismaayo waxa uu uga qaybgalayaa shirka dhawaan u furmaya madaxda maamul goboleedyada dalka.
Waxii Kasoo kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media