Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in uu halkaasi ka dhacay dagaal.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ugu Yaraan 1 qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay ka dib markii Magaalada Kismaayo ay ku dagaallameen Ciidamo hubeysan.
Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, Ciidamada dagaallamay ayaa waxaa watay rag Ganacsato ah oo isku heystay dhul ku yaalla Magaalada Kismaayo.
Waxaa sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray dadka ku sugnaa halka lagu dagaallamay.
Dhinaca kale Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland ayaa ku guuleysteen in ay joojiyaan dagaalka ,islamarkaana ay kala dhexgalaan.
Isku soo wada duuboo waxaa hadda dagan Xaaladda Magaalada Kismaayo.