AKHRISO : Wararkii ugu Danbeeyay ee Qasaaraha Weerarkii Xalay Lagu qaaday Koontorolka Boosaso & Al-Shabaab oo Guul ka Sheegtay.

0

Dagaalyahanada Shabaab ayaa weerar ku eekeeyay Koontotoolka Hore ee laga soo Galo Magaaladda Boosaso, Xalay Saqdii Dhexe,

Waxaana halkaasi ka dhashay Iska hor imaad xoogan oo dhexmaray Ciidamada Ilaalada ka hayay halkaasi, iyo Kooxdii weerarka soo qaadya oo la sheegay iney si gaadma ah kula wareegeen Guud ahaan Gacan ku heynta Saldhiga,

“Qiyaastii 1-dii Habeenimo Ayaa dagaalyahanno badan oo al-Shabaab ah oo si weyn u hubeysan ay naga soo weerareen dhammaan dhinacyada, iyagoona isku dayay in ay qabsadaan kontoroolka,” ayuu yiri Sargaal bilayska ah oo Lagu magacaabo Cabdifataax Maxamed, oo La hadlayay Wakaaladda Wararka ee Reuters,
Saddex Askari iyo afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, ugu yaraan 13 kalena way ku dhaawacmeen iskudhacyadii, ayuu sheegay Sargaalkan

Saraakiisha Caafimadka ee isbitalka Boosaso oo ay All-Galgaduud Media la xiriirtayna waxey noo xaqiijiyeen in isbitalka la soo gaarsiiyay Dhimashada 6 Qof oo sadex Askar tahay, iyo Sadex Shacab ah , sidoo kale waxaa la keenay Dhaawaca in kabadan 11-qof oo Isugu jirta Askar iyo Dad Rayid ah.

Ururka Al-shabaab ayaa Durba Saacado kadib sheegay xoogag hubeysan oo iyaga ka tirsan in ay ka dambeeyeen weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday barkontorool oo ku taalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

“xalay abaare 12:00-kii habeenimo ayay weerar xooggan waxa ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin agagaarka Koontarolka Boosaaso, dagaal muddo socday kadib mujaahidiinta waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan saldhigga.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Shabaabka.

Shabaabka waxay kaloo ku sheegeen war ay ku qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan in weerarka ay ku dileen 7 Askari oo ka tirsan Puntland, halka 11 kalena ay dhaawaceen.

Sidoo kale xoogaga Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa wadada u galay gurmad ku soo jeeday goobta uu weerarka ka dhacay, halkaasi oo uu ku dhexmaray iska hor imaad kooban, inkastoo markii dambe ay si buuxda ula wareegeen bartakontorool ee ay ku soo jeedeen

Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ka dhanka ah ciidamada Puntland, weerar bishii June, 2017-kii ka dhacay degaanka Af-Urur ayaa sababay khasaare badan oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan Puntland iyo Dad Shacab ah

Ilaa Hadda Saraakiisha Sar Sare ee Puntland iyo Kuwa Gobolka Bari kama Hadlin Weerarkan iyo Qasaaraha Rasmiga ah ee ka soo Gaaray Ciidamada Puntland, waxaana Hadda Dib loo furay isticmaalka Wadada Oo Xalay Weerarka dib La xanibay, iyagoona Ciidamo Dheeraad ah hada lagu arkayo Meeshi Xalay Wax ka dhaceen.