DHAGEYSO : Khudbadii Shariif Xasan uu Ka jeediyay Shirka Kismaayo & Baaq uu u diray Umada Soomaaliyeed

0

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land waxaa maalinkii labaad ka socda shirka Madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo xalay ka furmay Guriga Martida ee Jubbaland.

Madaxda joogta shirkaasi waxaa ka mid ah madaxweynayaashaa maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekg Aadan; Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Shirkan ayaa madaxdu sheegeen inaanu ahayn mid abuuraya xiisad balse uu ka shaqayn doono sidii loo xallin lahaa wixii cqabadao ah ee jira.

Shirka waxaa lagu baaqay kadib markii xurguf siyaasadeed ay dhexmartay qaar ka mid ah maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe oo ku saabsan mowqfika ay ka qaateen xiisadda khaliijka ee u dhaxaysa waddamada uu hoggaamiyo Sucuudiga iyo Qadar

Waxa lagu wadaa in shirkan lasoo gabagabeyo maalinta barito ah iyadoo warmurtiyeed laga soo saari doono sida qorshuhu yahay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kamid ah madaxdii xalay furitaanka Khudbadooda ka jeediyay ayaan halkaan hoose idinku soo gudbinaynaa