DHAGEYSO WAREYSI +SAWIRO : Dagaalkii Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Boosaaso & Qasaaraha Rasmiga ah.

0

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar khasaaro dhaliyay oo xalay saqdii dhexe ka dhacay kontrool ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka maamulka Puntland oo ku yaala duleedka Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dileen 3-askari 10-kalana ay ku dhaawaceen dhamaantoodana ay ahaayeen Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ee ku sugnaa Kontaroolka duleedka Magaaladda Boosaaso.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland oo loogu hadlaayo dagaalkii xalay ka dhacay Duleedka magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalkan xalay ciidamada Al-shabaab ay kula wareegeen gacan ku heynta saldhiga duleedka magaalada Boosaaso waxa uu kusoo aadayaa xilli dhowr bilood ka hor dagaal ka dhacay deegaanka Af-urur ee duleedka Boosaaso lagu dilay in ka badan Lixdan askari oo ah Ciidamada amaanka maamulka Puntland.

DHAGEYSO WAREYSI :

DAAWO SAWIRRO LAGA SOO QAADAY :