DHAGEYSO : Puntland Oo Baareysa Weerarkii Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Maamulka Puntland C/laahi Axmed Yuusuf “Dowlad” ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan dheeri ah oo ku aadan weerarkii dhawaan ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Waxaana uu tilmaamay in saraakiisha ammaanka Puntland ay ku howlanyihiin baaritaanka weerarkaasi oo ay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen Bar Control oo ay ku suganaayeen ciidanka Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland C/laahi Axmed Yuusuf “Dowlad” ayaa ku booriyay saraakiisha ciidamada maamulkaasi in ay uu muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga hortago weerarada Al Shabaab.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi oo Habeen ka hor ka dhacay Magaalada Boosaaso, waxaana ay shaaciyeen in halkaasi ay ku dileen 7 Askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Puntland.