Madaxda Madasha Samatixinta Puntland ayaa ka hadlay siyaasiyiinta Lagu xiray magaaladda Garowe, kuwaas oo ka Tirsanaa Madashaas, iyagoona Dhaliil u jeediyay xukuumada Puntland,
Waxey ka digeen in siyaasiyiinta iyo Waxgaradka la cubiriyo oo la diidayo iney ka hadlaan xaaladda dalka, iyadoo dowladdu Diidantahay in Loo tilmaamo khaladaadkeeda,
Guddoomiyaha golaha madasha badbaadada Puntland Abshir Cali Halow ayaa Arintaasi ku Tilmaamay Mid Ka hor imaanaysa Xoriyada Hadalka iyo Madaxbanaanida.
“Waxaa nimankaan siyaasiyiinta ah, Ganacsatada ah lagu xiray sharci darro,wax sharci ah oo ay ku xiranyihiin haba yaraatee ma jirto, kuwaani kuwo ka soo horjeeda ma ahan, waa kuwa ilaaliyo amniga oo habeen iyo maalin ka shaqeynaya mar walbana waxay kula dardaarmi jireen shacabaka in la ilaaliyo ammaanka oo aan wax dhib ah la sameynin” Ayuu Yiri Abshir Cali
Siyaasiyiintan ayaa la sheegayaa in ay ka hadleen shirkii Kismaayo iyo arrimo la xiriira federaalka Soomaaliya arrintaas oo sida muuqata ay dhibsatay Dowladda Madaxweyne Cabdiweli Gaas.
Siyaasiyiinta la xiray waxaa ka mid ahaa Abshir Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan Daahir Ciiro oo horay u soo noqday xildhibaan dowladdii KMG aheyd, Dr Cabdirixmaan Siciid Maxamud (Dhegaweyne)oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland,sida Agasimaha hay’adda la dagalanka Aids ka ee PAC iyo Wasiirkii Caafimaadka hore ee Puntland, Duni Maxamed Guulato oo Ganacsade ah iyo Faysal Faarax Cali Oo Agaasimaha Isbitaal soo noqday.
Warar kale Oo Madax banaan oo ay heleyso SBC Ayaa sheegaya in Siyaasiyiintan Loo soo Gudbiyay Jeelka Weyn ee magaalada Boosaso, oo ay hadda ku xiranyihiin, Inkastoo masuuliyiinta Xabsiga dhexe oo aan la xiriirnay ay Ka gaabsadeen arintaasi,
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne oo goor sii horeysay sheegay in ragaan la xiray ay ahaayeen kuwa ku howlanaa falal Lagu Qal-qal galinayo Amniga iyo Midnimada Puntland.