DHAGEYSO : Calanka Qaranka oo Hoos Loo Dhigi Doono, Kadib Masiibadii Zoobe.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa ku dhawaaqay 3 maalin oo baroor diiq ah, kadib shir jaraa’id oo uu Xalay ku qabtay Xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu sheegay in Calanka hoos loo dhigi doono, islamarkaana baroor diiq Qaran loo sameyn doono guud ahaan dadkii shacabka ahaa ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan. Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo”.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tacsiyeeyay dadkii Rayidkaa ahaa ee ku geeriyooday qaraxaasi, waxaana uu alle uga baryayay in Janadii fardowso uu ka waraabiyo, halka ku dhaawacana uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Ugu dambeyne Madaxweyne Farmaajo ayaa amray laamaha ammaanka ee dowladda in ay jawaab cad ka keenaan qaraxan, islamarkaana ay kor u qaadaan howlgallada lagu xaqiijinaayo ammaanka Magaalada Muqdisho.