Ergayg gaarka ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo sababy geerida dad aad u fara badan iyo dhaaawaca kuwa kale.
Keating ayaa tilmaamay in falkaasi uu ahaa mid argagax leh ayna dhibaato ka soo gaartay shacb ku sugnaa isgooyska soope ee magaalada caasimadda ee muqdisho.
Waxa uu tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxasi, isagoo sidoo kalana caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay.
Ergayga ayaa ugu baaqy dowladda Soomaaliya hay’adaheeda ammaanka dar dar galinta sugidda amniga, si looga hor tago qaraxyada .
Hadalka Micheal Keting ayaa ku soo aadayo xilli shalay magaalada muqdisho uu ka dhacay qarax sababau geerida dad u fara badan sidoo kalana ku dhaawacmeen kuwa kale.