Ugu yaraan 20 Qof meydkooda ayaa saaka laga soo saaray dhismayaasha ka agdhow Isgoyska Zoobbe ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo uu shalay ka dhacay Qarax khasaare badan geystay.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa dadkii xalay ku sugnaa ee ilaa hadda ku jira gurmadka dadka wlai ku hoos jira dhismayaasha ka agdhow goobta uu qaraxa ka dhacay.
Dadka saaka la soo saaray waxaa ka mid ah dad dhaawac ah iyada oo wali ay socdaan gurmadka loo fidinayo dadka laga soo saarayo dhismayaasha bur buray hoostooda.
Dhimashada ayaa hadda lagu qiyaasayaa 60 Qof iyada oo 150 ka badanyahay dhaawaca,waxaana madaxda dowladda ku baaqayaan in dadweynaha tagaan Isbitaallada si ay u bixiyaan dhiigg yabooh ah oo ay dhaqaatiirta Isbitaallada dalbadeen.
Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ah 4Wiil oo walaalo ah,Gabar ka qalin jebisay kuliyadda Caafimaadka oo ay 6 Sano baraneysay islamarkaana aabbaheed uu dibadda uga yimid sidii uu maanta uga qeyb geli lahaa qalin jebinta Gabadhiisa,sidoo kale waxaa ku jira Wiil ka yimid Dalka Mareykanka oo 4 saacadood oo kaliya joogay Muqdisho,kaas oo Hotelkii uu degganaa Qaraxa haleelay.
Comments are closed.