WARBIXIN : Tirada Dhimashada ee Qaraxii Muqdisho, Oo Korartay iyo Madaxweyne Farmaajo oo Baaq Diray.

0

Qeyba badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaanan ilaa iyo xalay laga seexan oo waxaa soconayay gurmadka loo samaynayay dadkii ku dhaawacmay weerrarkii xoogga badnaa ee magaaladaasi shalay gilgilay.

Isbitaallada magaaladuna waxa ay weli la tacaalayaan dhiibaatada ballaaran ee ka dhalatay qaraxaasi, iyadoo aaggii uu ka dhacay qaraxa oo aheyd goob mashquul badan burburka hoostiisa tan iyo xalay laga soo saarayay maydad hor leh iyo kuwo dhaawac ahba.

Kooxaha gurmadka ayaa weli ku mashquulsan sidii ay u soo badbaadin lahayeen dad laga cabsi qabo inay burburka dhismooyinka ku hoos jiraan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan soddon qof ay ku dhinteen qaraxyadii shalay.

Qiyaastii boqolaal qof oo kale ayaa lagu soo warramayaa in ay weerraradaasi ay ku dhaawacmeen.

Inta badan isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay dhawacyada soo gaarayay iyo eheladii booqanayay.

Isbitaallada ayaa dalbanaya in dadka ay dhiig ku deeqaan si loogu badbaadiyo dadka u baahan.

Ilaa iyo haatan lama oga tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday qaraxyadii shalay, hasayeeshee dadka ku dhintay waxa
ay isugu jiraan rag, carruur, haween, dhaliyaro iyo dad da’ ah.

Ugu yaraan 20 Qof meydkooda ayaa saaka laga soo saaray dhismayaasha ka agdhow Isgoyska Zoobbe ee Magaalada Muqdisho,halkaas oo uu shalay ka dhacay Qarax khasaare badan geystay.

Dadka saaka la soo saaray waxaa ka mid ah dad dhaawac ah iyada oo wali ay socdaan gurmadka loo fidinayo dadka laga soo saarayo dhismayaasha bur buray hoostooda.

Dhimashada ayaa hadda lagu qiyaasayaa 60 Qof iyada oo 150 ka badanyahay dhaawaca,waxaana madaxda dowladda ku baaqayaan in dadweynaha tagaan Isbitaallada si ay u bixiyaan dhiigg yabooh ah oo ay dhaqaatiirta Isbitaallada dalbadeen.

Waxyaabaha ugu daranse waxaa ka mid ah in afar wiil oo walaalo ah oo dukaan dharka lagu iibiyo ku lahaa goobtaasi oo sameynayay xisaab xir ay mar qura goobtaasi ku nafwaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo xalay saqdii dhexe ka hadlay taleefishinka qaranka ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa musiibo ku habsatay shacabka, dadkana waxa uu ka dalbaday in loo gurmado dadkii ay
dhibaatadu soogaartay.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii wax ku noqday qaraxii ka dhacay isgoyska Zobe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale amray in hoos loo dhigo calanka Soomaaliya.

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka ka soo kabsanaysa bubur lixaad leh oo ka soo gaaray qaraxii baabuur
ee shalay gilgilay isgoyska Zobe ee bartamaha magaalada.

Mid ka mid ah ah xildhibaannada Soomaaliya ayaa sheegay in in kabadan 100 qof oo rayid u badan ay qaraxaasi ku dhinteen, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Cabdiqaadir Maxamed Cabdulled oo ka mid ah weriyayaasha Idaacadda VOA ee magaalada
Muqdisho.

Cisbitaallada magaalada Muqdisho waxaa buux-dhaafiyay dhaawcyo badan oo la gaarsiiyay, waxayna saraakiisha
caafimaadku ay dadka ka dalbadeen inay dhiig ku yaboohaan.

Maraykanka iyo QM ayaa si weyn u canbaareeyey qaraxaasi.