DHAGEYSO : UNHCR Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Nololeed Ee Barakacayaasha Muqdisho.

0

Hay’adda UNHCR ayaa ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo in ka badan 12,000 Qoys oo ka soo barakacay Gobollada Dalka, kuwaas oo soo buux dhaafiyay Kaamamka Ku yaalla Magaalada Caasimadda ah Muqdisho.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in xaalad nololeed tii ugu xumayd ay haysato kumanaan kun barakacayaal ah oo ku sugan Magaalada Muqdsiho.

Warbixin ka so baxday Xafiiska hay’adda UNCHR ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ka badan 12,000  Qoys oo qaxooti ah ay ku so biireen kuwii horay ugu noolaa Kaamamkasi, Islamarkaana ay hada ladaala dhacayaan daruufo daran oo dhinaca nolasha ah,

Hay’adda ayaa sheegtay in barakayaashaasi ay hada la il daranyihiin dhibaatooyin dhowr ah oo iskugu jira Cunno la’aan  Biyo yari  iyo Hooy la’aan , ismarkaana ay u baahanyihiin gargaar Caalami ah.

Sidoo kale Hay’adda UNCHR  ayaa xustay inta badan baracayaashani ay ka yimaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, sida Marko, Qoryooley, Kuntuwaaray iyo deegaano kale.

Sikastaba ma’ahan markii ugu horeyay oo ay hay’adda UNHCR walaac ka muujiso xalaadda nolosha dadka  barakayaasha ah ee kusugan gudaha Soomaliya