Wali Waxaa Xiran Wadada Dheer ee laamiga ah gaar ahaana Aaga Isgoyska Suuqa Caanaha ee Boosaso, Waxaana Ilaa Galabta Heysta Ciidamo Farabadan oo Ka Tirsan Kuwa Dowladda,
Daasado Ay ku jiraan Waxyaabo loo maleynayo Kuwa qarxa ayaana Yaala Meesha Laga raaco Basaska Dadweynaha, Sida ay sheegeen Goobjoogayaal
Taliye Qeybta Booliska ee Gobolka Bari oo AGGM Taleefanka kula Hadlayna wuxuu sheegay in ilaa hadda aan qaraxa la furin, Oo Ciidanku ku howlanyihiin,
Ciidamada ayaa ku amraya dadka iney Ka wareegeen Goobaha Ka fog Aagaasi, Maadaama Halkaasi Howlgalku ka socdo, Waxaana La xiray Dhamaan xarumihii Ganacsiga ee ka agdhawaa Goobta,
Taliyuhu Ma sheegin inta uu qaadan Karo Howlgalkaasi
La soco Faah faahinta Insha Allah