Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khaasaraha ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhashay Gaari Harier ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa qarxay, xilli uu marayay deegaanka Mire Indhoyare oo dhaca duleedka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ugu yaraan 2 Qof ayaa ku geeriyootay oo uu midi yahay darawalkii waday Gaarigaasi, halka midka kalena uu ahaa Qof shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay Qof kale oo shacab ahaa, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
lama oga halka uu ku jeeday qaraxaasi, iyo cida ka dambeysa, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.
Inkastoo aysan faah faahin ka bixin howlgalka iyo qaraxii ka horeeyay ee ka dhacay deegaanka Mire Indhoyare ee duleedka Ceelasha Biyaha.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan qarxaasi.