Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay ka shaqeeynayaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah oo isugu jira Booliis iyo Nabad sugidd, kuwaasi oo si dhaw ula socon doono Xaalada Xildhibaanada.
Waxa uu tilmaamay in Maamulka Hirshabeelle uu masuuliyad gaar ah iska saari doono ammaanka Xildhibaanada iyo degaanada ay kaga sugan yihiin Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Madaxda dowladda ugu baaqay in la diyaariyo dhaqaalaha Maamulka Hirshabeelle.
Waxa uu xusay in Dowladda Dhexe looga baahan yahay in ay ilgaar ah ku eegto Maamulka Hirshabeelle maadaama sida uu sheegay Hirshabeelle aysan la mid ahayn Maamulada kale ee dalka ka jira.
Maalin ka hor xilli habeen ah ayaa xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo waxaa xoogag ka tirsan Shabaab ay ku dileen Xildhibaan Tima-faras oo ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Jubbaland.