DHAGEYSO WARBIXIN : Dhaawacyada Soomaalida ah ee la geeyay Suudaan.

0

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in daryeel caafimaad aysan heysan dhaawacyadii laba maalmood oo kala duwan la geeyay dalka Suudaan, kuwaasi oo tiro ahaan isugu soo uruuraya in ka badan 50 qof.

Diyaarad Millitari oo ay leedahay Qadar ayaa laba jeer Muqdisho ka kala qaaday qaar ka tirsan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii lagu halaagsamay 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe, waxayna geysay Suudaan, halkaasi oo ay ku bixineyso qarashka ku baxaya.

Dhaawacyadii ugu dambeeyay ee habeen ka hor laga dejiyay dalka Suudaan ayaa waxaa ka geeryooday hal qof, kaasi oo ay la socotay xaaskiisa iyo canug yar oo Saddex sano jir ah, kadib markii ay wadnaha istaageen, Muwaadiinka geeriyooday waxaa magaciisu ahaa Siidow C/laahi Maxamed Xuseen.

Qaar ka tirsan dadka dhaawacyada ah oo la hadlay Risaala ayaa sheegay markii la geeyay Suudaan in lagu xareeyay Isbitaal ay ku tababartaan Ardada caafimaadka ka barata dalkaasi, halkaasi oo ay ku heli waayeen xitaa daryeelkii ay ku heysteen Muqdisho.

Ardayda Soomaalida ah ee wax ka barata dalka Suudaan ayaa dhankooda sheegay markii dhaawacyada la keenay in loo diiday in ay booqdaan, oo ay u fidiyaan gargaarka kaga aadan iyo in ay garab istaagaan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed C/laahi Ugaas oo shalay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in daryeel xumo ay heysato dadkan, balse goobtii markii hore lagu dajiyay ay aheyd meel ku meel gaar ah, balse la geeyay Isbitaalo Caalami ah.

Marka ay xaaladu halkaas mareyso ayaa waxaa arrintan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, wuxuuna sheegay in la xaliyay intii badneynd cabashada dadkaasi ay qabeen Dowladda Soomaaliyana si dhaw ay ula socoto dhaq dhaqaaqa dadkaasi dhaawacyada kala duwan.

“Howl wanaagsan waxaa qabatay Danjiraha iyo Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Khartoum, Mahadi ha ka gaarto, Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Danjiraha Qadar ee Khartoum, sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdisho iyo mas’uuliyiinta dalka Sudan oo xalka qeyb ka ahaa.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad, kadib qoraal kooban oo uu ku soo qoray bartiisa (Facebook).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dacayaad ay la kulmaan dhaawacyadii laga qaaday Muqdisho ee dalka dibadiisa la geeyay.

Thaabit Cabdi ayaa yiri “Arrinta cabashada Suudaan Madaxda waan gaarsiiyey wafdi heer sare ah ayaa la rajeynayaa in ay aadaan Suudaan arrintan dartii, lama aqbali karo cabashada heerkaa gaarsiisan, dadka la diray waa in ay helaan Xurmo iyo Xanaano Astaan Dowladeed, weyna heli doonaan Insha allah.”

Guddoomiyaha Midowga Ardayda dalka Suudaan Yacquub Maxamed Welhiye oo ka mid ah dadka loo xilsaaray wax u qabashada dhaawacyada la geeyay dalkaasi oo la hadlay Risaala ayaa sheegay markii dhaawacyada in la geeyay meelo kul kulul, balse hada la geeyay Isbitaalada ugu wanaagsan, kadib qeylo dhaan meelo kala duwan ka timid.

“Annaga Arday ayaan nahay waan qeylo dhaamineynaa, aad baan uga soo horjeesanay in walaalaheena meel darxumo ah le geeyo, waxaan u mahadcelineynaa safiirkeena Ugaas, Muwaadinka geeryooday maanta ayaa la aasi doonaa.” Ayuu yiri Yacquub.