Magaalada Caynaba waxa shalay galab lagu soo gabo-gabeeyay wadahadaladii u socday dawladda somaliland iyo maamulka khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali khaliif Galayr.
wadahadalaadaasi oo socday labadii sanno ee u danbeeyay taasi oo ka dhalatay gogoshii nabadeed ee madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Axmed Siilaanyo u fidiyay dadka deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle.
Wadahadaladani ayaa somaliland iyo khaatumo uga socday dalalka imaaradka, jabuuti, itoobiya iyo Somaliland gudaheeda, waxaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska ay labada dhinac wada-gaareen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha khaatumo Prof Cali Khaliif Galayr
Cali Khaliif oo hadalka ku hormaray saxiixa ka dib waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska lagu kala saxeexday caynaba, waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland oo la furaa yahay dawladda kaliya ee reer Sool, iyo Sanaag bari isagoo ballan qaaday inuu heshiiskaasi sida uu yahay uu u fulin doono.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA GALEYR :
Madaxweynaha Somaliland Axmed oo isna hadalka qaatay ayaan soo dhaweeyay heshiiska, waxaana uu sheegay in heshiiska ay la saxiixdeen khaatumo uu horseedi doono Horumar, iskaashi iyo isku-duubni. Wuxuuna ballanqaaday inay fulin doonaan, ayna dhaqan gelin doonaan go’aamada uu xambaarsan yahay heshiiska oo ka kooban Saddex iyo Tobanka Qodob,
DHAGEYSO CODKA SIILAANYO :
Gunaanadkii shirkana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa akhriyey nuxurka heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu yiri“ Waxa weeyi nuxurku :-
In la helo cadaalad iyo sinaan iyo nabad ku wadada noolaansho.
in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland.
in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
in la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha.
In dastuurka dib loo furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan guddi joogto ahna arrinkaas loo saaro.
In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa
DHAGEYSO WASIIRKA ARIMAHA DIBADA SOMALILAND