Magaalada Muqdisho waxaa 14-kii bishan October ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, kaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 350 oo qof, islamarkaana boqolaal kale ay ku dhaawacmeen.
Qoysas badan oo soomaaliyeed ayeey siyaabo kala duwan u saameysay Dhacdadaasi xanuunka badan, iyadoona ay Caruur badan oo soomaaliyeed ku aabe iyo Hooyo Waayeen.
C/laahi Maxamud Siyaad oo ahaa abaaha dhalay 30 Caruur ah oo hadda 27 kamid ah ay ku noolyihiin magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa dadkii uu sababsaday masiibadii 14-kii bishan ka dhacday magaaladda Muqdisho.
Warbaahinta SBC Ayaa booqatay Hoyga Qoyska xiligan la tacaalaya Xaaladooda nololeed, waxeyna Wajahayaan Nolol aad u xun maadaama aysan jirin Wax hanti ah oo uu oga tagay Marxuumka sida uu sheegay Maxamed Maxamud siyaad oo ay C/laahi walaalo ahaayeen.
HOOS KA DAAWO WARBIXIN :