Magaaladda Garoowe waxaa maanta ka furmay shirweynaha horumarinta Kalluumaysiga Soomaaliyeed iyo ka hortega kalluumaysiga sharci darada ah iyo sidii loo xalin laha caqabadaha haysta kalluumaysatada
shirweynaha waxaa ka qaybgalaya Madaxda wasaaradda kalluumaysiga Federaalka iyo wasaaradaha Maamul goboleedyada Soomaaliya, Wufuud caalami ah iyo ilaa lixdan shirkadooda oo kalluumaysiga ah iyo hay’addo kale. waxaa kaloo ka qaybgalaya khuburo dhinaca kalluumaysiga iyo ammaanka baddaha.
shirka Ayaa sidoo kale looga hadli doono hababka ugu wanaagsan ee looga hortegi lahaa kalluumaysiga sharci-darada ah iyo wixii dhibaya ummadda Soomaaliyeed ee amaanka badaheena
Shirkan oo muddo saddex maalmood socon doono, waxaa soo qabanqaabisay Shuraako, waxaana la filayaa gabagabada inay ka soo baxaan go’aano lagu hormarinayo kalluumaysiga iyo kalluumaysata Soomaaliyeed iyo buuga kalluumaysiga Soomaaliyeed.