Halkaan Ka Akhriso War Qoraal ah oo ay soo saareen Saraakiishii hore ee Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Ujeedo:-Cabasho iyo qaylo dhaan ka imaanaysa saraakiishii hore ee Bankiga Dhexe
Waxa ay muddo Sanad ka hor ah Idaacadda Shabelle ay baahisay, in Maxkamadda sare ee dalka xukun ku riday dacwad dhex martay saraakiishii hore ee Bankiga Dhexe iyo Maamulka Bankiga Dhexe ee hadda shaqeeya.
Kadib markii Maxkadda Sare aragtay Dukumintiyo kala duwan oo cadeynaya in saraakiishaas Lacagtoodii howl-Gabka ahayd lagu gaday dhulka iyo dhismaha guryahaas Bangaariyo.
Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Dhexe mid koodna shaqo kuma lahan Lacagtaas.
Sidaasi darteed Maxkamadda Sare waxa ay go’aamisay in guryahaasi ay leeyihiin saraakiishii hore ee Bankiga Dhexe.
Iyadoo saraakiisha qaar kood iyagoo jiran ay weli dagan yihiin , qaar koodna caruurtoodii oo Agoon ah ay dagan yihiin, halka kuwa kalana iyagoo Waayeel ah ay dibadda ka yimaadeen, loona diiday Furayaashii guryahooda.
Waxaa la yaab noqotay in hadda Bankiga Dhexe uu qorshe cusub wado oo ah in guryahaas Ganacsato Soomaaliyeed uu heshiis kula jiro, islamarkaana uu rabo in uu ka gado Ganacsatadaas.
Iyadoo lagu tumanaayo xukunkii Maxkamadda Sare ee Dalka.
Waxaa hadaba uga digeynaa Ganacsatadaas in ay ku Kadsoomin guryahaas oo ay leeyihiin shaqaalihii hore ee Bankiga Dhexe.
Guryahaas Bankiga Dhexe malaha, mana iibin karo ee yaan Lacagtiina la’idinka qaadan.
FG:-Anagoo ah saraakiishii hore ee Bankiga Dhexe waxaan Ganacasatada Soomaaliyeed u sheegeynaa in guryahaas aan horay uga soo ceshanay Ganacsato Ajnabi ah oo la rabay in laga gado, marka ha’isku dayina adinkoo Soomaali ah in aad guryaheena nagu dul gadataan, Ilaaheyna ka baqa.