DHAGEYSO WAREYSI : Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Weerar Ka Dhacay Sh. Hoose.

0

Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax Miino lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, xilli ay marayeen nawaaxiga deegaanka Lafoole ee Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidanka AMISOM ay rasaas xoogan fureen.

Waxaana rasaastaasi ku dhintay, kuna dhaawacmay dad badan oo shacab ahaa, walow aan la ogeyn tiro ahaan inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Sidoo kale ilo degaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka AMISOM ay ku dhinteen qaraxaasi , kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Guddoomiyaha deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose Ayaan Maxamed Maxamuud oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsatay in ay faah faahin ka bixiso qaraxaasi.

Balse waxa ay sheegtay in ay weli wadaan tiro koob, iyadoo inoo xaqiijisay in waxyeelo qaraxaasi ay ka soo gaartay Arday iyo Macalimiin ku sugnaa Iskuul ku yaalla deegaankaasi.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidanka AMISOM Wilson Rono oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidan kooda lagu weeraray Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana uu tilmaamay in weerarkaasi uu ka dhashay khasaaro, balse uusan xilligaan shaacin Karin.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.