Abaaro Sideedii Fiidnimo ee xalay ayuu dab qabsaday kaalinta Shidaalka ee CCC ee ku taala Aaga afar irdodka ee Magaalada Boosaso, waxaana dabkaasi uu sameeyay Isku socodkii wadada dheer ee laamiga aheyd,
Da’daal dheer oo ay sameeyeen Gaadiidka gurmadka deg dega ah iyo Dadka Shacabka ah ayaa ugu danbeyn xalay xili danbe lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi oo reebay qasaare hantiyadeed oo badan,
Cabdirsaaq Cabdulaahi Xasan oo ah Maamulaha Kaalinta shidaalka ee 3 C oo La hadlayay Al-Galgaduud Media Ayaa sheegay in Ay mar qura ka warheleen dabka oo markii hore ka soo bilowday qeybta Danbe ee Kaalinta,
Wuxu sheegay in dhamaan Hantidii Goobta taalay ay ku basbeeshay, wuxuna sheegay in Haamihii Keydka shidaalka ee Goobta yaalay ay gabi ahaanba Baa’ba’een Wuxuuna sheegay in goobta lagu waayay Hanti lacageed oo Dhan $ 600,000 (Lix Boqol oo kun Oo Doolar)
Wuxuu sheegay ka sokow hantida goobta ku baa’baday ineysan jirin wax naf ah oo wax ku noqdeen Dabkaasi, marka laga yimaado ilaa dhowr qof oo ay soo gaareen dhaawacyo fudud,
Cabdirsaaq oo aan wax ka weydiinay Sababaha ay markii Hore oga gaashaaman waayeen Khataraha noocaan oo kala ah ayaa sheegay iney da’daaleen iyaguna intii karaankooda ah, isagoona sheegay iney markasta alle Oga mahad celinayaan Sida ay wax u dhaceen,
Dad badan ayaa aaminsan in Heerka Gurmadka deg dega ah iyo dab damiska oo ku liita Magaaladda Boosaso oo ah xarunta Ganacsiga puntland, Ay sababtay in Qasaaraha Hantida uu heerkaasi Gaaro.
DHAGEYSO WAREYSIGA :