Sida ay Xaqiijiyeen dad Goog goojagaal, ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku isku hor imaad ku dhex maray Ciidamo kawada Tirsan Dowladda.
Iska Hor imaadka oo Muddo Kooban socday, waxay Goob joogayaashu sheegayaan in ay ku dhaawacmeen Ciidamadii iska hor imaadka dhex maray iyo dad shacab ah.
Dadka Dhaawacmay tiradooda waxaa kasoo baxaya Warar kala duwan,, waxayna Goob joogayaashu sheegeen in badi dadka waxyeeladu gaartay ay ka ka agdhawaayeen Goobta Ciidamada ay ku dagaalameen oo ah Warshadii Dawada oo u dhaxeysa Xerada Ciidamada Asluubta iyo Isgoyska Ex Control.
Ciidamo kale oo katirsan Dowladda ayaa ku baxay Ciidamadii is rasaaseeyey, waxayna ku guuleysteen in ay kala dhex galaan oo joojiyaan rasaastii ay is weedaarsanayeen sida Ilo wareedyadu sheegayaan.
Waxaa haatan Dib u furmay isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo Mar u istaagay iska hor imaadka, waxaana la sheegayaa dadkii dhaawacmay oo u badan dad soo gaaray dhaawacyo fud-fud loo qaaday goobaha caafimaadka.