Sida uu qorshaha yahay Magaalada Muqdisho maanta oo Jimco ah waxaa ku soo wajahan Madaxda Maamul Goboleedyada, kuwaasi oo 28-ka bishan ka qeyb galaya shirka Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) uu ku casuumay.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa maanta la filayaa in ka soo duulaan magaalooyinkooda, iyaga oo ku soo jeeda magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxa looga hadli doonaa xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed waxyaabaha ay kala tabanayaan Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maalin ka hor sheegay dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb gali doonaan shirka casuumaada ah, maadaama isaga uu yahay Guddoomiyaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha Galmudug ayaa shaki la gelinayaa ka qeyb galkiisa shirka Muqdisho, kadib markii Galmudug ay sheegtay in ay cabasho xoogan ka qabto rag ay ku sheegtay qaswadayaal oo ku soo qulqulaya Magaalada Cadaado, kana wada olole ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo (Xaaf).
Xaaf aya u muuqda in hal lug ay u taalo Muqdisho, halka lugta kalena uu kula jiro Cadaado, maadaama ay heysato laba daran midood dooro, oo kala ah in marka Muqdisho uu yimaado uusan fileyn in soo dhaweyn uu kala kulmo Dowladda iyo in marka uu Cadaado ka soo tago uu ka cabsi qabo in Doorasho la qabto sidaasina meesha looga saaro.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qaban qaabada ku aadan shirka ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasi oo si weyn looga dareemayo Muqdisho diyaar garowgiisa.