WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Guddoonka Labada Aqal Ee Baarlamaanka DFS iyo Wufuudda Wehelisey.

1

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku sagootiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Mudane Maxamed Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee DFS Mudane. Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ku-xigeenkiisa iyo wufuudda kele ee safarkooda ku wehelinayseyba.

Sagootinta weftiga ay horkacayeen Guddoonka Labada Aqal ee DFS ayaa waxaa Madaxweynaha kuwehelinaayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo Guddomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka DFS ayaa soo kormeeray ka hor inta aanay Garoowe ka ambabixin qaar kamid ah Wasaaraddaha dawladda Puntland oo ay kamid yihiin, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Degaanka iyo Duurjoogta, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana ay dhammaantood masuuliyiinta Wasaaraddahaasi iyo weftiga ay hogaaminayeen Gudoomiyayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya is dhaafsadeen Su’aalaad, Jawaabo iyo is xowaraysi ku qotoma shaqooyinka ay qabtaan Wasaaradduhu iyo xidhiihdka u dhexeeya iyaga iyo Wasaaraddaha dhiggooda ah ee DFS, iyagoona kulamo gaar la qaatay Madaxda Wasaaraddahaasi.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas, Guddomiayaha Golaha Wakiillada Puntland iyo masuuliyiinta goleyaasha DFS ayaa kormeeray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kaas oo dhismihiisu marayo meel gebogebo ah lana soo dhamaytiridoono dhawaan dhismihiisa, waxaana uu kamid yahay garoonku kaabayaasha dhaqaale ee muhiimka u ah shacabka reer Puntland ee uu dhismihiisu ka socdo dalka.

Madaxweynaha Puntland oo sagootiyey wufuudda ay hogaaminayeen Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay Puntland iyo shacabkeedaba sharaf weyn u tahay imaanshahoodu, arkaan horumarka iyo quruxda dawladnimo ee Puntland ka jirta.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay inay Guddoonka Baarlamaanka DFS is waydaarsadeen talooyin iyo xogo ku saaabsan sidii Soomaaliya loo horumarinlahaa loona gaadhsiin lahaa meel ay u qalanto inay joogto oo ah dhanka horumarka, bilicda, dawladdnimada, Fadaraaliisamka iyo waxkasta oo wanaagsanba.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa dhankiisa masuuliyiintani ku booriyey inay joogteeyaan booqashooyinkooda ay ku imaanayaan Puntland, taas oo suura gelinaysa in la wanaajiyo lana dardargeliyo wada shaqaynta Goleyaasha Baarlamanaka DFS iyo Golaha Wakiillada Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kubooriyey maamullada kale ee dalka inay yimaadaan Puntland arkaan horumarka iyo dawladnimada ka jirta si ay iyana u horumariyaan maamulkooda una gaadhsiiyaan meesha ay Puntland ka joogto dhanka horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, shuruucda, kala danbaynta iyo nidaamka fadaraaliisamka ee ka jira Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa isna tilmaamay in ay tahay wax lagu tusaalo qaadan karo wada shaqaynta hufan ee ka dhexaysa golaha sharci dejinta dawladda Puntland iyo tan golaha fullinta Puntland iyo sidoo kale doorka ay ku leeyihiin dhismaha dhaqanka Puntland iyo shacabkooduba oo iyana door wanaagsan kule dhismaha Puntland.

Comments are closed.